Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobe  Sabtidii, ayaa waxay ku sheegtay in colaadda ka aloosan dalka Afgaanistaan ay galaaftay nafaha dad ku dhow 3,500 oo qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 7,000 oo kale sannadkii tegay ee 2019-ka.

UNAMA, oo ah hawl-galka qaramada midoobay ugu qaabilsan dalkaasi Afgaanistaan, ayaa ku eedeeyey kooxaha ka dagaallama dalkaasi ee Daalibaan, ISIS iyo kooxaha kale ee mayalka adigi, inay sabab u ahaayeen 49% dadka geeriyooday. 

UNAMA, ayaa sidoo kale sheegtay, in ciidamada taabacsan dowladda iyo kuwa Isbahaysiga uu Mareykanku ku jiro ay sababeen iya 43% geerida dadka ku qudh-baxay colaadda Afghanistan sanadkii 2019 halka 6% dadka geeriyooday geeridooda sabab u ahayeen isku dhacyo kale. 

Warbixinta ay qaramada midoobay soo saartay, ayaa imanaya xilli heshiis xabad joojin muddo todobaad ah oo lagu yareynayo colaaddu uu ay ka hirgalayso Afghanistan, taasoo la rajayanayo inay dariiqa u xaadho in Mareykanku uu heshiis nabadeed la galo kooxda Taliban 29-ka bishan, heshiiskaas oo la filayo inuu dhamayn doono colaadda 18-ka sanno ka taagnayd halkaasi, colaaddaas, oo noqotay tii ugu waqti dheereyd ee uu Mareykanku ku lug yeesho.

Mareykanka iyo Taliban ayaa Sabtida soo socota si wadajira ah u saxeexi doono heshiis nabadeed, kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar iyadoo ay goobjoog ka noqon doonaan ergooyin ka socda caalamka.

Iyadoo la naawilayo inay taasi suurtagelin doonto inay si aayar aayar ah Afgaanistaan uga baxaan ciidamada Maraykanka ee ku sugan halkaas oo ay tiradoodu gaadhayso 13 Kun oo askari iyadoo dadka siyaasadda falanqeeyaana ay ku tilmaameen inay tani noqon doonto fursad ay kuwada hadlaan dadka reer Afgaanistaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga