Dalka Koonfurta Suudaan, ayaa loo dhaarinayaa madaxwane-ku-xigeen cusub, kadib markii heshiis dhex maray fallaagada ka dagaallanta dalkaasi iyo xukuumadda uu hoggaamiyo madaxwayne Salva kiir.

Madaxwayne-ku-xigeenka la dhaarinayo, ayaa ahaa madaxwayne-ku-xigeenkii hore ee dalkaasi Mr. Reik Machar, magacaabista Mr. Kiir uu magacaabay madaxwayne-ku-xigeenkiisa cusub Mr. Machar, ayaa imanaysa kadib cadaadis lagu saaray madaxda dalkaasi inay dhameeyaan khilaafka dabada dheeraaday ee u dhexeeyay madaxda dalkaas iyagoo ku heshiiyay meel-marinta heshiis nabadeed oo hore ay u wada galeen.

Khilaafka dhexmaray masuuliyiinta dalkaasi ee Kiir iyo Machar, ayaa taagnaa muddo 6 sanno ah, iyadoo dagaal ka dhashay khilaafkoodana ay ku naf waayeen boqollaal kun oo qof, halka ay ku barakaceen Malaayiin kale.

Dadka siyaasadda ka faallooda iyo warbaahinta, ayaa waxay sheegeen in sidoo kale la magacaabi doono gole wasiirro oo kooban, kuwaas oo iskugu jira mucaarad iyo muxaafad.

Bulshada caalamka, ayaa madaxda dalkaasi waxay ku saareen cadaadis raacidda heshiiska, iyadoo caga-jiidkii ay madaxdaasi ka cagajiideen fulinta heshiis dhab ah ay ka dhalatay cunaqabatayn uu Maraykanku saaro siyaasiyiin waawayn oo kamid ah kuwa dalkaas.

Labada hogaamiye, ayaa horay u saxeexay dhawr heshiis balse heshiisyadaasi may noqon kuwa midho dhala.

Salva Kiir ayaa waddanka madaxweyne ka ahaa tan iyo markii dalkaasi Koonfurta Suudaan uu sannadkii 2011-kii madax-bannaanidiisa kaqaatay dalka Suudaan.

Dagaalkan sokooye, ayaa waxa uu dalkaasi ka bilowday sanadkii 2013-kii, kadib markii uu khilaaf dhaxmaray Mr Kiir iyo Machar oo xiligaasi ahaa ku xigeenkiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga