Nin u dhashay waddanka Maraykanka ayaa gantaal uu gacantiisa ku samaystay la burburay kadib markii uu isku dayay in uu u raaco hawada, wuxuuna burburay il-bidhiqsiyo kadib markii uu dhulka ka kacay.

Mad Mike ayaa ahaa 64-sanno jir, wuxuuna aaminsanaa in dhulku uu yahay mid fidsan oo aan goobo ahayn, isagoo marar badan isku dayay in uu hawada u duulo.

Mike oo la sheegay in uu ahaa nin khataraha u badheedha ayaa la arkayay isagoo gantaalkii uu raacay uu ka dhacay baaraashuudkii uu ugu talo galay in uu kusoo dego hadii uu khatar dareemo, ama marka uu soo noqonayo. Wuxuuna muddo kooban kadib kusoo dhacay dhulka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga