Dawladda Maraykanka ayaa dhawaan abaal marin siin doonta askartii ka qayb qaadatay dagaalkii ay ciidamada Maraykanku ka galeen Soomaaliya sanadkii 1993-kii.

58 Silver Stars iyo laba Flying Crossways ah ayaa la siinayaa qaar ka mid ah ciidamadii ka dagaalamay waddooyinka Muqdisho.

Qorshaha abaal marinta askartan ayaa qayb ka ah abaal marino badan oo la siinayo askar naftooda u huray dagaalo uu hore u galay Maraykanku.

Ciidamada Maraykanka iyo ciidamadii Jeneraal Caydiid ayaa sanadkii 1993 ku dagaalamay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo markaas Maraykanka diyaarad lagasoo riday, isla markaana la gaadhsiiyay jab wayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga