Hindiya waxay cagaha kula jirtaa mid ka mid ah mashaqooyinkii ugu xumaa abid ee soo mara dalkan, iyadoo walaacyo joogto ah lagasoo saarayo gudaha dalka.

Dadka u dhintay fayraska kaoonaha ee gudaha Hindiya ayaa maanta kor u dhaafay 200,000 oo qof, iyadoo dhimashadu ay si maalinle ah u kordhayso.

Weli deegaanada fog fog ee aan lahayn adeegyada caafimaad ee dhammmayska tiran ayay dad badai u dhianayaan, aaxaanay tirada dhimashadu ka badantahay inta ay dawladdu diwaan galisay sda ay tilmaamayaan xog ururino gudaha kasoo baxayaa.

7-dii maalmood ee aynu soo dhaafnay ayay Hidniya la kulantay xaalad adag oo ah wejiga labaad ee fayraska karoona, kaas oo Hidniya ka dhigay in ay dal walba ka badato dhanka kiisaska marka la eego intii la diwaan galiyay todobaadkii aynu soo dhaafnay.

Dadka ayaa dhimanaya iyagoo sugaya sariiraha cisbitaalada iyo oxyguynta dadka kasoo saarta naqaska, taas oo gabaabsi ku ah magaalooyinka waawyn ee Hidniya.

Dawladda Maraykanka ayaa balan qaaday in ay taageero u fidin doonto dalka Hindiya si ay u yareeyaan khatarta xanuuka iyo saamaynta a’an ee uu kaga tagayo dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga