Sucuudiga ayaa markii ugu horaysay wuxuu iibinayaa saamiyo ka mid ah shirkadda ARAMCO ee saliidda taas oo ay iska leedahay dawladda Sucuudigu.

1% ayay boqortooyada Sucuudigu qorshaysay in ay iibiso sanadka ama labada sanno ee soo socda, sida uu sheegay dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salamaan.

Maalgashadayaasha caalamiga ah iyo shirkadaha wawayn ee tamarta ayay sheegtay dawladda Sucuudigu in uu u furanyahay sheerka ay ka bixinayso shirkadda Saudi Aramco.

Maxamed bin Salmaan wuxuu sheegay kadib waraysi uu bixiyay in ay socdaan wada hadalo la xidhiidha sidii ay shirkaddu u iibin lahayd saamiyada.

Sucuudiga ayaa sanadkii lasoo dhaafay la kulmay in dhaqaalihiisu uu hoos u dhaco, isla makaana ay khatari soo wajahdo shirkadda Aramco oo weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah ceelasheeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga