FILE PHOTO: A view of a nearly deserted Broad street and the New York Stock Exchange building in the financial district of lower Manhattan during the outbreak of the coronavirus disease (COVID-19) in New York City, New York, U.S., April 3, 2020. REUTERS/Mike Segar

Dhaqaale burburka ka jira dunida ayaa ah kii ugu xumaa ee muddo qarni ah ama 100 sanno ka dhaca caalamka, sida uu ku waramay ururka caalamiga ah ee is-kaashiga dhaqaalaha iyo horumarka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano, OECD.

Ururkan fadhigiisu yahay magaalada Paris ayaa xusay in sanadkan uu dhaqaalaha dunidu hoos u dhici doono 6%, ka hor sanadka 2021-ka oo isagana la saadaalinayo in saamaynat dhaqaale-xumo ay sii jiitami doonto.

Xanuunka dunida aafeeyay ee Covid-19 ayaa keenay dhaqaale burburkan baaxadda leh ee ay wajahayaan wadamada calanka u sida dhaqaalaha dunida.

Ururka is-kaashiga dhaqaalaha iyo horumarka ayaa sidoo kale sheegay in hadii xanuunka Covid-19 uu sii jiro ama weji kale oo fiditaan ah yeesho uu dhaqaaluhu mar kale liici doono xaddi aan hore loo arag.

Bangiga Adduunka ayaa hore u saadaaliyay in in sanadkan 2020 uu dhaqaalaha dunidu is-dhimi doono 5.2% halka hay’adda IMF ee lacagta duniduna ay saadaalisay 3%.

Wadamada la filayo in saamaynta wayni ay soo gaadho waxa ka mid ah dalka Ingiriiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga