Horyaalka kubadda cagta ee dalka Ingiriiska ayaa u muuqda mid khasaaraya adduun lacageed oo dhan $1 billion, sida uu sheegay maxadka arimaha dhaqaalaha ee Deloitte.

Kooxaha labaatanka ah ee ka dheela horyaalka ugu sareeya Ingiriiska ayaa xili-ciyaareedkii hore waxay macaasheen lacag dhan $5 billion, waxay ahayd lacagtii ugu badnayd ee horyaalka naadiyada ee dalka Ingiriisku uu helo.

Xanuunka Covid-19 ayaa keenay khasaaraha wayn ee uu galay horyaalka naadiyada ee Ingiriisku.

Tan iyo bishii March ayuu xidhnaa horyaalku, iyadoo 92 ciyaarood oo wali hadhsanaa lagu dheeli doono garoomo madhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga