Mid kamid ah gantaalaha ka dheereeya jabaqda, kaas oo kamid ahaa mashaariicda ay waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon sida qarsoodiga ah u wadday, ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah uga fuqay diyaarad nooceedu yahay B-52, xilli ay ku jirtay duulimaad tijaabo ahaa.

Mashruuca lagu samaynayay gantaalaha (HAWC), Hypersonic Air-breathing Weapon Concept, ayaa ahaa mashruuc ay si wadajir ah iskaga kaashanayeen ciidamada cirka Maraykanka iyo wakaaladda cilmi-baadhista iyo horumarinta difaaca Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo ‘’DARPA’’.

Wakaaladda horumarinta iyo cilmi-baadhista difaaca Maraykanka ee DARPA, ayaan faahfaahin ka bixin gantaalkan la sheegay inuu kasoo fuqay diyaaradda, balse ilo u dhuun daloola difaaca iyo duulimaadyada, ayaa sheegay inay dhacdadani ka dhacday saldhig ciidamada cirka Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, kaas oo la yidhaa Edwards, halkaasi oo la sheegay inay ciidamadu ka fuliyaan tijaabooyinka hababka cusub, tijaabooyinka bartaasi laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah midkii diyaaradda F-35 ee dagaalka.

Illaa hadda ma kala cadda barta uu gantaalkaasi ku dhacay, balse warar kale ayaa sheegay inuu ku burburay goob loo qorsheeyay oo u dhaw saldhigga Edward sida ay qortay wakaaladda wararka ee AFP.

Maraykanka ayaa tijaabinayay gantaalo ku shaqeeya neefta Oxygen, si ay u bedelaan kuwii shidaalka ku shaqayn jiray, si ay u gaadhi karaan bartilmaameedyadooda iyagoo adeegsanaya neefta Oxygen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga