Wararka telefishankan Saab TV kasoo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhawayd halkaasi uu ka dhacay qarax.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ka dhacay degmada Xamar-jajab, gaar ahaan makhaayad layidhaa Luul Yemeni, una dhow xabsiga dhexe ee Xamar.

Wararka ayaa sheegay in qaraxu uu sababay khasaare nafeed, waxaanay intaasi ku darayaan in qaraxa loo adeegsaday baabuur, isla markaana uu ka dhashay dab.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga