Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika, kaas oo magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa warbixin qiimayn ah oo uu soo saaray waxay ka warrameen, weerarradii ay ka fuliyeen qaaradda Afrika, iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay weerarradaasi, sida geerida dadka rayidka ah oo ay haayadaha xuquuqda aadanuhu ku eedeeyeen in lagu dilay.

Telefishankan Saab TV, oo soo xiganaya warbaahinta codka Maraykanka, taasi oo ka warrantay warbixinta uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika, ayaa waxa lagu shegay, in qiimayntii ugu dambaysay ee qasaaraha dadka rayidku ay ku ekayd 31kii Dec. 2020, waxaana lagu sheegay in Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika aanu helin warbixino cusub oo ku saabsan qasaaraha dadka rayidka ah, isla markaana uu xidhay laba kamid ah saddex kiis oo furnaa.  

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa bilaabay sii daynta warbixinahan, sannadkii hore ee 2020, bishii April, iyadoo tan ka dhigaysa tii 4aad ee qiimaynta khasaaraha rayidka.

Taliska AFRICOM waxa uu sheegay in sii daynta warbixinahani ay tahay, kordhinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Sida ku cad warbixinta uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM, waxaa socda qiimayn haatan, iyadoo weerarradan saddexdii biloodba mar laga hadli doono, warbixintani ugu dambaysay ayaa raad ku leh, laba weerar oo la qaaday intii lagu guda jiray 1-19 bishii January ee sannadkan 2021, waxaana lagu xusay sida talisku ugu hoggaansamay amarkii madaxwaynaha Maryakanka ee ahaa in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya lana geeyo goobo kale oo isla bariga Afrika uun ka tirsan.

WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga