Maal-qabeenka wayn ee reer Japan, Yusaku Maezawa, ayaa raadinaya 8 qof oo qayb ka noqda safar uu ugu baxayo dayaxa. 

Waa safarkii ugu horeeyay ee gaar ah ee noole uu ugu baxo dayaxa wuxuuna maalqabeenkani qorshahan soo waday tan iyo sanadkii 2018 markaas oo uu si rasmi ah u shaaciyay.

Maezawa oo markii hore tiro dadkan ka yar ku dhawaaqay wuxuu shaaciyay imika in 8 qof oo dunida oo dhan kasoo kala jeedaa ay fursad u heli doonaan in ay qayb ka noqdaan safarka uu ku tagayo dayaxa dushiisa.

Yusaku Maezawa, waa 45 jir balaayiin dollar haysta, kaliya laba shardi ayuu ku xidhay dadka raba in ay u raacaan dayaxa. Waa in ay ta hore yihiin dad hal abuur leh oo wax soo kordhinaya iyo qodobka labaad oo ah in uu caawiyo kooxda safarka.

Dadka codsanaya in ay ka mid noqdaan 8 qof waxay mari doonaan waraysiyo iyo hubin caafimaad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga