Beesha Caalamka ayaa soo dhawaysay muddaynta goorta ay qabsoomayaan doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee Somaliland.

Qoraal ay si wada jira u saxeexeen wadamada Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Holland, Norway, Sweden, Switzerland, Ingriiska, Maraykanka, iyo Midawga Yurub ayaa lagu sheegay dawladahan oo taageera dimuqraadiyadda Somaliland ay soo dhawaynayaan in doorashooyinka isku sidkan ay dhacaan dhammaadka bisha May ee sanadkan.

Warka ayaa lagu sheegay in doorashooyinkani ay boodhka ka jafayaan sumcadda Somaliland ee doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda, xili doorashooyinka wakiilada ay dalka ugu danbaysay sanadkii 2005.

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay gudida doorashooyinka, xisbiyada iyo xukuumadda sida ay uga wada shaqeeyeen qabsoomida doorashooyinka isku-sidkan. Iyagoo sidoo kale fursad muhiim ah ku tilmaamay in markii ugu horaysay ay dad da’yar ahi is diwaangaliyaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga