Wararka nagasoo gaadhaya Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Dawladda Soomaaliya ay Heshay Xog ah in Kenya ay Qarka u Saran Tahay inay Ka laabato Murankii Dacwadda Badda ee Kala Dhaxeeyay Dalka Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Dawladda Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo Warbaahinta kula Hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qarka usaaran tahay inay iskaga baxdo kiiska dacwadda ee ay Ku sheeganeyso lahaanshiyaha qayb ka mid ah Badda  Soomaaliya”  Sida Lagu Baahiyey Warbaahinta Dawladda Soomaaliya.

Kiiska Muranka Badda ee Ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa La Filayaa in uu Todobaadkan ka Furmo Maxkamadda Cadaaladda aduunka ee ICJ.

Dawladda Kenya ayaa Furitaanka Kiiska Kahor Dalbatay in dib loo Dhigo Dhagaysiga Dacwadda,  Taas oo ay Dawladda Soomaaliya Ku Cagan Saydhay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga