Koonfur Africa ayaa Xidhay Hawlaheedii Diblomaasiyadeed ee Magaalooyinka Abuja iyo Lagos ee Dalka Nigeria waxaanay u yeedhay Safiikeedii u Joogay Waddankaasi.

Arintan ayaa Ka Danbaysay Kadib Markii Ganacsato u dhashay Dalka Koonfurt Africa Ganacsiyadoodii Lagu Weeraray Dalka Nigeria, Taas oo Looga aar Goosanayey Ganacstadda Reer Nigeria oo Ganacsigoodii Lagu Xaalufiyey Dalka Koonfur Africa.

Xiisadda Labadan Dal ayaa Marba Marka ka danbaysa Sii Cakirmaysa Lamana Oga Halka ay ku Danbayn Doonto.

Shalay ayey Dalal Badan oo ku yaala qaaradda Africa Eedaymo u Jeediyeen Dalka Koonfur Africa, Taas oo ay ku Dhaleeceeyeen Waxka Qabasho La’aanta Boobka lagu hayo Ajaanibka ganacsiyadda ku Leh Dalka Koonfur Africa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga