The Mayor Boris Johnson with his brother Jo Johnson MP For Orpington out campaigning on the streets of on their way to a rally in Orpington to support Boris's Mayoral Campaign, during his Mayoral campaign, Tuesday April 17, 2012. Photo By Andrew Parsons/i-Images

Ninka ay walaalaha yihiin raysalwasaaraha dalka Ingiriisk, Jo Johnson, ayaa sheegay in uu xafiiska ka tagayo kadib markii ay ku adkaatay in uu kala saaro arimaha qoyska iyo danta qaranka.

Mr. Johnson oo qoraal ghoor dhawayd ku baahiyay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay in uu soo af-jarayo sagaal sanno oo uu xildhibaan iyo wasiir soo ahaa, isagoo lasoo shaqeeyay saddex raysalwasaare oo Ingiriis ah.

Raysalwasaare Boris Johnson ayaa walaalkii u mahadnaqay isagoo ku tilmaamay wasiir hawlkar ahaa, oo shaqo adag soo qabtay.

Jo Johnson ayaa noqonaya wasiirkii koobaad ee iska casila xukuumadda Boris oo labadii cisho ee ugu danbeeyay wajahaysay cadaadis xoogan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga