Xildhibaanad ka tirsan aqalka Senate-ka ee dalka Bolivia ayaa ku dhawaaqday in tahay madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee dalkaas oo ku yaala Koonfurta Ameerika. Madaxweynihii Bolivia ayaa dhawaan is casilay kadib rabshado hadheeyay dalkiisa, wuxuuna magan-galyo ka helay dalka Mexico.

Jeanine Áñez oo kasoo jeeda xisbiga mucaaridka ayaa go’aankan sheegtay kadib kalfadhi ay iskugu yimaadeen baarlamanku balse aanay kasoo xaadirin xildhibaanada taageersan xisbiga madaxweynihii is-casilay Morales.

Evo Morales oo Mexico ku sugana ayaa natiijada ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan, iyadoo xisbigiisuna uu qaadacay.

Gabadhan oo 52-sanno jir ah ayaa isu-caleemo-saartay madxatinimada waddanka, xili ay rabshado baahsani ka jiraan guud ahaan dalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga