Rabshado ayaa mar kale kasoo cusboonaaday deegaanka Kashmiir ee sanadaha ay isku haystaan India iyo Pakistan.

Diabad-baxyo ayaa ka bilaabamay magaalada kadib dilala dhawr ahaa oo ciidamada dalka India ay gaysteen. Dad kasoo hor jeeda India ayaa ka mudaharaadaya qaybta ay maamusho dawladda India ee Kashmiir.

Sagaal ka mid ah dadka aan ogolayn joogitaanka India ee Khashmiir ayay dileen ciidamada India, arintaas oo cadhada dhalisay. Waxa ku jiray saddex taliye oo deegaanka ahaa.

Afhayeen u hadlay ciidanka India ayaa sheegay in ay labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay meesha ka saareen 22 dagaalame oo khatar ku ahaa ammaanka Kashmiir. Wuxuu intaa ku daray in sanadkan ay 73 dagaalame ku dileen deegaankan oo ay u badanyihiin dadka muslimiinta ahi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga