Iran waxay deldelaysaa nin ay sheegtay in uu ka danbeeyay dilkii lagula kacay taliyihii reer Iran ee Qaasim Sulaymaani.

Nin la sheegay in uu wax u basaasi jiray sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo sirdoonka Israel ee Mossad ayay gacanta ku dhigeen ciidamada Iran. war Salaasada maanta kasoo baxay garsoorka Tehran ayaa lagu sheegay Maxamuud Muusaafi Maajid lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii ay ku cadaatay in uu qayb wayn ka qaatay dilkii Sulaymaani.

Ninkan ayaa la sheegay in uu sirdoonka Maraykanka ku hagay meesha uu joogo Qaasim Sulaymaani. Dhalasho ahaan wuxuu kasoo jeedaa Iran.

Iran waxay hore u sheegtay in ay qabatay 17 basaas oo Marayakanka u shaqaynayay. Dhammaantoodna ay dil ku fulinayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga