Maamulka magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa kala diraya waaxda booliska ee magaalada, kadib fadeexadaha iyo cadhada la dhalatau dilkii saraakiisha booliska ee magaaladu ay u geysteen nin madaw ahaa oo aan hubaysnayn. Sarkaalka dilka gaystay ayaa lagu maxkamadaynayaa dil uu sameeyay, mar kale ayuu Isniinta kasoo muuqan doonaa maxkamadda Minneapolis.

Badi xubnaha golaha deegaanka ee magaalada ayaa u codeeyay in ay kala diraan booliska. 9 ka mid ah 13-ka xubnood ayaa ogolaaday. 

Maayirka magaalada Jacob Frey ayaa ka mid ah xubanah diiday qorshaha, isagoo weji-gabax kala kulmay dad dibad-baxyo ka dhigayay magaalada oo uu la hadlayay.

Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tallaabada golaha deegaanka soo dhaweeyay. Waxay ku tilmaameen guul taariikhi ah oo Minneapolis usoo hoyatay. Sanado badan ayay dalbanayeen in tallaabadaas la qaado, iyo in guud ahaan wax laga beedelo sharciayda booliska ee axmaqnimada keenaysa iyo dilalka keenaysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga