Dawladda ka dhisan bariga dalka Libya ee mucaaridka ahayd ayaa is casishay, xili deegaanada ay ka ariminaysay ay ka socdaan mudaharaado rabshado wata.

Baarlamanka fadhigiisu yahay magaalada Tabruk ayaa ku dhawaaqay is-casilaada ay dawladdu soo gaadhsiisay.

Dibad-baxyo ayaa ka socday magaalooyinka ugu waawayn ee maamulkaasi uu ka arimiyo. Dadka ayaa diidan wax ay ku sheegeen musuqmaasuq hadheeyay maamulka, maciishada oo ku qaaliyawday iyo nolosha dadka oo sii xumaanaysa.

Xoogaga Xaftar ayaa la sheegay in deegaanada qaar ay rasaas huween dadka mudaharaadaya.

Dawladdan hadda is casishay ayaa xulafo muhiim ah u ahayd jeneraalka fallaagada ah ee raba in uu Libya taladeeda la wareego, waa Khaliifa Xaftar oo taageero ka haysta dawlado waawayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga