Dalalka Tansaaniya iyo Ugaandha ayaa kala saxeexday heshiis ogolaanaya dhismaha  beebabka qaada saliidda qaydhiin kuwaas oo dhererkoodu dhan yahay 1445 Km amaba 898 cabbirka Mile-ka ah.

Mashuurca ayaa la filayaa inuu ku kaco lacag dhan 3.5 Billion oo dollarka Maraykanka ah isagoo isku xidhi doona goobaha saliidda dalka Ugaandha iyo magaalada dekedda leh ee Tanga oo ku taalla Tansaaniya.

Xafladdii lagu saxeexay heshiiskan, ayaa waxaa kasoo qayb-galay madaxwayneyaasha labada dal.

Waxay ahayd markii Ugaandha laga helay saliiddu sannadkii 2006-dii balse soo saaristeeda ayaa waxaa dib u dhigay kaabeyaasha dhaqaalaha oo liitay, kuwaas oo ay xitaa kamid yihiin beebabka qaada si loo dhoofiyo. 

Si rasmi ah looma shaacin taariikhda la bilaabayo mashruucan, kaas oo noqon doona kii ugu horreeyay bariga Afrika ee dhuumaha saliidda qaada oo waawayn.

Dad badan ayaa saadaalinaya in mashruucani uu dhibaato ku noqon doono dadka reer Ugaandha, in ka badan 12,000 oo qof, ayaa la filayaa inay waayaan dhulkooda iyo xoolahooda sida ay sheegtay haayadda Oxfam iyo haayadda xuquuqda aadanaha ee FIDH.

Dadka u dooda arrimaha deegaanka, ayaa iyana dhankooda walaac ka muujiyay khasaaraha deegaan ee ay yeelan karaan dhuumahan saliidda xambaaraa.

Shikradda Faransiiska laga leeyahay ee Total, oo kaashanaysa midda Shiinaha ee CNOOC iyo dawladaha Ugaandha iyo Tansaaniya.

Munaasibadda maalintii Axadda ayaa timi, maalmo uun ka dib markii shirkadda Total oo ah midda ugu Share-ka wayn goobaha saliidda laga qodo dalka Ugandha ay shaacisay heshiis ay la gaadhay dawladda Ugaandha kaas oo khuseeyay dhuumaha saliidda xambaara.

Illaa 80% dhuumahani salidda, ayaa dhex mari doona dalka Tansaaniya, iyadoo la filayo inuu mashuuracani abuuro qiyaastii 18,000 oo shaqooyin ah dadka reer Tansaaniya, sida ay wakaaladda wararka Reuters kasoo xigatay afhayeen u hadlay dalwadda Xasan Cabbaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga