Shiinaha iyo Hindiya waxay gaadheen heshiis hor dhac ah, iyagoo isla qaatay in ay kala raraan ciidamadooda isku hor fadhiya xadka ay wadagaan labadan waddan ee ku hubaysan nukliyeerka wax gumaada.

Wasiirada arimaha dibadda ee Shiinaha iyo Hindiya oo kulmay ayaa war ay soo saareen waxay ku amreen in si dhakhso ah ay ciidamadu u kala kacaan.

“Wasiirada arimaha dibaddu waxay isla qaateen in xaaladda imika ka taagan xadku, aanay dan u ahayn labada waddan midna. Sidaa darteed waxay isku afgarteen in ciidamada milatariga ee xadku ay bilaabaan wada xajood, masaafo isku jirsadaan, isla markaana ay xiisadda yareeyaan.” ayaa lagu yidhi ay labada wasiir arimaha dibaddu soo saareen.

Shiinaha ayaa war gaar ah isagu ku sheegay in ay sii wadi doonaan wada hadalka Hindiya, isla markaana ay xasiloonida iyo nabadda gobolka ilaalin doonaan.

Muddo bilo ah ayay is hor fadhiyeen ciidamada labada waddan, waxaana ay mararka qaarkood is waydaarsanayeen hub sababay dhimashada tobanaan askari oo Hindiyaan u badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga