Taliska ciidanka midowga Afrika ee Soomaaliya ”AMISOM”, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay geeridii Allah ha u naxariistee Almaas Elman, oo hore usoo noqotay diblumaasi ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Warka AMISOM, ayaa lagu sheegay inay AMISOM bilowday baadhitaan, iyagoo xusay inay aad uga xun yihiin geerida diblumaasigan hore oo sidoo kale ahayd gabadh u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha.

AMISOM, ayaa xustay in marxuumaddu ay saarnayd gaadhi dubkiisu khafiif yahay, iyadoo markaa kusii socotay madaaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo warka AMISOM lagu xusay inay baaburka ku saarnaayeen saddex-qof, kuwaasoo kala ahaa darawalka, nin aan waxba noqon iyo marxuumadda.

AMISOM, ayaa sheegtay in markiiba loo diray baadheyaal goobta, iyadoo xustay inay la shaqayn doonaan dawladda Soomaaliya, iyo laamaha amaanka dadkana ay la wadaagi doonaan waxa kasoo baxa baadhitaankaas.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga