Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wali ku adkaysanaysa doorasho qof iyo cod ah oo sanadka danbe ka dhacda guud ahaan Soomaaliya.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dawladda federaalka Soomaaliya, Mahdi Guuleed, ayaa mar kale ku celiyay in ay xukuumadda uu ka tirsanyahay qabto in doorasho qof iyo cod ah la qaban karo doorashada sanadka 2020/2021.

Dad badan ayaa is waydiinaya suurtagalnimada arintan xili deegaano badan ay maamusho kooxda alShabab, deegaanada Somaliland-na ay ku dhawaad 30-sanno ka hor sheegeen in ay ka gi’een Soomalaiya inteeda kale, balse wali i9nshaha caalamka ka tirsan dalka Soomaaliya.

Baarlamanka Soomaaliya ayuu imika horyaalaa sharciga doorashooyinku, waxaanay xukuumadda madaxweyne Farmaajo sheegaysaa in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga