Raysal kuyaal dalka Maraykanka, ayaa bilaabay qorshaha tacliiminta bulshada si kor loogu qaado heerka aqoontooda, taasoo ah waxbarid dadban iyo kor u qaadista heerka akhriska ee ardayda.

Timo-jarahan, ayaa shardi ka dhigay inay ardaydu akhriyaan buug iyagoo codkooda kor u dallacaya, markaasoo kadib loo samayn doono timo-jarid bilaash ah amaba lacag la’aan ah.

Raysalahan, ayaa bilaash ugu xiiraya innamada da’doodu u dhexayso 3-13 jir bil kasta Isniinta ugu horraysa, taasoo uu kala qayb qaadanayaan fikradda tacliiminta bulshada dalka Maraykanka, si kor loogu qaado heerka aqoonta iyo wax-akhris-qorista.

Fikradda tacliiminta bulshada ee dalkaasi Maraykanka, ayaa waxaa ay u shaqaysaa in ku dhow 53,000 oo Kooleejyo-ardayeed ku xidhan 96 dugsi oo kuyaal gobollada Texas iyo Louisiana.

Ku xidhnow Saab TV

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga