Aqalka Senate-ka ee dalka Maraykanka ayaa ku kala qaybsan xil-ka-xayuubinta madaxweyne Donald Trump oo todobaadkii lasoo dhaafay in xilka ka qaadeen aqalka hoose ee baarlamanku (Congress).

Xildhibaanada kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Trump ayaa ku xoogan aqalka Odayaasha oo leh go’aanka ugu danbeeya ee xil ka qaadista madaxweynaha. Waxay doonayaan in lasoo dedejiyo dacwadda iyadoo aan markhatiyaasha kiiska loo haysto Trump aan loo ogolayn in ay qayb ka noqdaan dhagaysiga dacwadda ee aqalka sare ee baarlamanka.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa diiday in mooshinkii maamuus ka xayuubinta ay gacanta u galiyaan aqalka Senate-ka si dacwadda loo galo, waxayna dalbanayaan in markhaatiyaasha loo ogolaado in ay cadeeyaan xogaha ay ogyihiin.

Bisha koobaad ee sanadkan bilanaya ee 2020 ayaa loo balansanyahay in la gudo galo dhagaysiga ugu danbeeya ee lagaga go’aan qaadan doono in Trump birta la dhaafiyo iyo in kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga