Waa sawir hore oo muujinaya muhaajiriin Libya ku xayiran

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay muhaajiriinta Soomaalida ee ku go’doonsan waddanka Libya, kuwaas oo sheegaya in ay haysato xaalad adag.

Safiirka dawladda Soomaaliya ee dalka Libya oo la hadlay idaacadda VOA laanteeda afka Soomaaliga ayaa xusay in aanay hadda wax caawimaad ah siin karin dhalinyada Soomaalida ee ku xayiran gudaha Libya, oo uu sheegay in ay ka warhayaan xaaladooda balse dhaqaale ahaan aanay awoodin in ay wax taraan.

Qaar ka mid ah dhalinyada ku go’doonsan gudaha dalkaas ayaa tibaaxay in ay doorbidayaan in ay ku laabtaan dalkooda Soomaaliya, oo markii hore ay rejo-xumo nolosha la xidhiidha uga yimaadeen, balse duruufaha adag ee soo wajahay ay ku riixayaan in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga