AMISOM ayaa xayiraado cusub kusoo orgtay xaruntooda ugu wayn Soomaaliya ee Xalane, waxaana dhammaan la xadiday galitaanka iyo ka-bixitaanka xerada oo hoy u ah diblomaasiyiin iyo ajaanib tiro badan oo Soomaaliya hawlo kala duwan u jooga.

Muddo 30 maalmood ah ayay xayiraadani socon doontaa iyadoo ay AMISOM u sababaysay caabuqa dilaaga ah ee Covid-19 oo Soomaaliya laga helay saddex kiis oo ka mid ah.

Hal kiis ayaa laga helay xerada Xalane dhexdeeda, wuxuuna ahaa qof ajanabi ah oo u shaqaynayay Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ee deggen xerada Xalane.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga