Tirada dadka u dhintay caabuqa Coronavirus ee dalka Talyaaniga ayaa si xawli ah kor ugu kacaysa, waxayna hadda dhaaftay 10,000 oo qof, sida ay tilmaamayaan xogihii ugu danbeeyay ee laga helay caabuqa gudaha waddanka Talyaaniga.

Maalintii Sabtida oo kaliya ayaa dad ka badan 800 oo qof ay caabuqa ugu geeriyoodeen Talyaaniga, dhimashadaas oo tirada guud kor usii qaaday.

Talyaaniga ayaa u muuqda waddan la tacaali kari la’ caabuqa Covid-19, xili uu noqday dalka ugu dhimashada badan guud ahaan caalamka.

Dalka Isbaanishka oo ah dalka labaad ee ugu dhimashada badan guud ahaan dunida ayaa isagana ay tirada dhimashadu ay gaadhay 5690 qof.

Dunida oo dhan dad ka badan 27,000 oo qof ayuu dilay xanuunku, wuxuuna gaadhay dad ka badan nus milyan qof (600,000).

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga