Bilihii la soo dhaafay ee sannadkan 2023, waxa si xoogan isku soo tarayey wada-xaajoodyada ay dawladda Maraykanku dabada ka riixayso ee khuseeya sidii heshiis diblomaasiyadeed oo laga dhex dhalin lahaa dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Israa’iil, balse dedaaladaasi weli si rasmi ah midho-dhal umay noqon.

Hasayeeshee, Xukuumaddaha Sucuudiga iyo Israa’iil ayaa hadda sheegaya in marba marka ka dambaysa ay soo dhawaanayso sidii heshiis looga gaadhi lahaa in xidhiidh caadi ahi uu dhex maro Israa’iil iyo Sucuudiga.

Amiirka Dhaxal-sugaha dalka Sucuudiga Amiir Mohamed Bin Salman oo ka qaybgalaya shirka Qaramada Midoobay ayaa telefiishanka Vox News ee dalka Maraykanka u sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa uu soo dhawaanayo xidhiidh dhexmara Israa’iil iyo Sucuudiga, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Eli Cohen uu isna Khamiistii todobaadkii hore uu sheegay in hadda la soo yareeyey farqigii u dhexeeyey Israa’iil iyo Sucuudiga, isla markaana ay suurtogal tahay in bilaha ugu horeeya ee sannadka soo socda ee 2024 la dhamaystiro heshiiska ogolaanaya in Sucuudigu xidhiidh toos ah la yeesho Israa’iil.

Dawladda Maraykanka iyo Israa’iil ayaa muddooyinkii u dambeeyey habeen iyo maalinba ka shaqaynayey sidii Sucuudiga loogu qancin lahaa inuu xidhiidh la yeesho Israa’iil, balse waxa meesha yaala shuruudo adag oo ay dawladda Sucuudigu miiska soo saartay, waana shuruudaha ay ku xidhayso in xidhiidh ay dawlad ahaan la yeeshaan Israa’iil.

Shuruudaha iyo dalabyada ugu muhiimsan ee ay dawladda Sucuudigu wadato waxa ka mid ah in heshiis dhinaca difaaca la xidhiidha oo ah inay shuruud la’aan ku hesho hubka casriga ah ee ay dawladda Maraykanku soo saarto iyo in meesha laga saaro xadidaadaha hubka Sucuudigu ka iibsanayo Maraykanka, taas oo ay dawladda Sucuudigu ku doonayso inay noqoto dal haysta hubka difaaca ee ugu fiican caalamka.

Waxa kaloo ay dawladda Sucuudigu doonaysaa in loo saxeexo heshiis la xidhiidha dhinaca nugliyeerka, gaar ahaan barnaamijka Nugliyeerka lagaga dhaliyo tamarta kala duwan ee muhiimka u ah horumarka dawladaha dunida, kaas oo aan inta badan dalalka caalamka loo ogolayn, kana mid ah waxyaabaha ugu weyn ee Maraykanka iyo reer galbeedku kula coloobeen dalka Iran.

Shuruudaha kale ee dawladda Sucuudigu ku xidhayo heshiis iyo xidhiidh diblomaasiyadeed oo ay la yeelato Israa’iil waxa ka mid ah in xidhiidhkaasi ka hor la helo dal madaxbannaan oo ay leeyihiin Falastiiniyiintu iyo in Israa’iil ay si buuxda uga wada baxdo dhammaanba dhulka iyo degaanada ay ka haysato Falastiin, kuwaas oo ay ku jiraan dhulka Falastiiniyiintu leeyihiin ee lagu degaameeyey dadka Yuhuudda, iyadoo qodobkaasina ka mid yahay qodobada cunaha u dhaafi waayey Xukuumadda Israa’iil oo lagu tilmaamo inay tahay xukuumaddii ugu xag jirsanayd ee ay Israa’iil yeelato taariikhda.

Sidoo kale, shuruudaha ay dawladda Sucuudigu doonayso waxa ka mid ah qodobo ku jiray qorshe nabadeed oo ay Carabtu soo bandhigeen sannadkii 2002, kaas oo ay ku jireen in Israa’iil ay ka wada baxdo dhammaanba dhulka Carabta ee ay ku qabsatay dagaalkii dhacay 1967-kii, iyadoo meelaha ay Israa’iil inay ka baxdo laga doonayo ay ka mid yihiin  buuralayda Golan Heights ee laga haysto dalka Suuriya iyo sidoo kale dhulka ay Yuhuuddu ka haysato Falastiin.

Dawladda Maraykanka oo si weyn u danaynaysa heshiis diblomaasiyadeed oo dhexmara Israa’iil iyo Sucuudiga, isla markaana tilmaantay in heshiis noocan ahi oo la helo uu udub-dhexaad u yahay danaha iyo masaaliixda amniga qaranka ee dalka Maraykanka, ayaa waxay Israa’iil ku caddaadinaysaa inay aqbasho shuruudaha ay wadato dawladda Sucuudigu, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil uu toddobaadkan sheegay inuu soo dhawyahay heshiis arrintaasi laga gaadho, taas oo ka dhigaysa in Israa’iil ay aqbalayso inay xidhiidhka Sucuudiga ku beddelato inay faraha ka qaado dhulka Falastiin, isla markaana ogolaato in Falastiiniyiintu ay yeesheen dawlad u gaar ah oo madaxbannaan.

Hasayeeshee, wararka diblomaasiyadeed ee laga helayo Bariga Dhexe ayaa sheegay in Ra’iisal-wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir ayaa diidan in heshiiska xidhiidhka Sucuudiga lagu daro Xukuumadda Falastiin oo doonaysa inay dal gaar ah noqdaan, halka sidoo kale ay diidan yihiin joojinta dadka Yuhuudda ah ee lagu degaamaynayo dhulka Falastiin, gaar ahaan degaannada Daanta Galbeed.

Sidoo kale, Xukuumadda Falastiin oo hore u cambaaraysay xidhiidhka ay qaar ka mid ah dalalka Carabtu la yeesheen Israa’iil ayaa hadda doonaysa in dawladda Sucuudigu ay si xoogan uga fiirsato xidhiidh ay la yeelato Israa’iil, iyadoo bishii hore ay wefti ka socda Falastiin gaadheen magaalada Riyad ee caasimada Sucuudiga, kuwaas oo la kulmay madaxda dawladda Sucuudiga, una soo bandhigay hindiseyaal ay dhinacooda wataan oo la xidhiidha in la meelmariyo ka hor inta aanu wax xidhiidh ahi dhexmarin Sucuudiga iyo Israa’iil.

Shuruudaha ay dawladda Falastiin wadato waxa ka mid ah in dib loo furo Qunsuliyadii dawladda Maraykanku ku lahayd bariga magaalada Qudus ee la doonayo inay caasimad u noqoto Falastiin, taas oo la xidhay xiligii uu joogay Madaxweyne Donald Trump sannadkii 2019-kii, iyadoo sidoo kale ay dawladda Falastiin doonayso in Maraykanku si buuxda u ogolaado in Falastiin ay wakiil rasmi ah ku yeelato Qaramada Midoobay, halka sidoo kale ay Falastiiniyiintu doonayaan in xidhiidhka Sucuudiga iyo Israa’iil ka hor la hirgeliyo qorshe si buuxda u fasaxaya dhaqdhaaqyada iyo ganacsiyada ay dadka Falastiiniyiintu ku leeyihiin dhulka laga haysto ee la dejiyey Yuhuudda.

Geesta kale, dawladda Iran oo hadda xidhiidh fiican oo diblomaasiyadeed la leh dalka Sucuudiga, kadib markii ay labada dal heshiiyeen bishii March ee sannadkan 2023 ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga soo horjeeda wax xidhiidh diblomaasiyadeed ah oo Sucuudigu la yeesho Israa’iil, iyadoo Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi oo magaalada New York waraysi ku siiyey Telefiishanka SKY NEWS uu sheegay in heshiis noocan ah oo Israa’iil lala galo uu la mid yahay mindi dhabarka lagaga dhuftay dadka Falastiiniyiinta iyo halganka ay kula jiraan Yuhuudda.

Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in mawqifkoodu yahay in aanay dalalka Islaamka ahi wax xidhiidh ah la yeelan karin Israa’iil ilaa inta si rasmi ah Yuhuudda looga xoraynayo Magaalada barakaysan ee Qudus ee uu ku yaalo masjidka Al-aqsa oo ah masjidka sadexaad ee ugu barakada badan masaajidada islaamka oo dhan.

Hasayeeshee, Dawladda Sucuudiga iyo qaar ka mid ah dalalka Islaamka, gaar ahaan dalalka Khaliifja Carabta ayaa aamisan in heshiis Israa’iil lala galo uu horseedayo in la helo dal Falastiiniyiintu leeyihiin, isal markaana ay si buuxda iyagu u maamulaan iyo in Israa’iil ay ka baxdo dhulka Falastiin iyo Carabta ee ay xooga ku qabsatay dagaalkii dhacay 1967-kii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga