Dawladda Itoobiya ayaa diiday in kooxda TPLF ay ka saarto liiska ururada ay u qoonsantahay argagixisada, iyadoo ku adkaysanaysa in weli Tigraygu ay halis ku yihiin amniga Itoobiya.

Waa xili dedaalo nabadeed laga kala dhex wado Tigrayga iyo dawladda Itoobiya oo la rabo in ay ka heshiiyaan dagaalka sanadka mudad aka badan ka dex taagnaa balse mudooyinkii ugu danbeeyay yaraaday.

Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibadda ee dawladda Itoobiya ayaa sheegay in dawladiisu aanay qorshaynahayn in TPLF laga saaro liiska argagixisada dawladda.

Dawladda Itoobiya waxay ururada ay argagixisada ku sheegtay ka saartay wada hadalada heerka qaran ee la filayo in ay dalkaas ka qabsoomaan.

Dadka falanqeeya siyaasadda Itoobiya ayaa qaba in hadalka dawladda Itoobiya uu sii xoojinayo kala shakiga ka dhex taagan Abiy Axmed iyo hogaamiyayaasha Tigrayga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga