Midawga Yurub waxay shirinayaan illaa 40 hogaamiye oo Afrikaan kuwaas oo la iskugu geeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Waa tallaabo ay Reer Yurub ku doonayaan in ay kula tartamaan Siinaha iyo Ruushka oo saamaynta dhaqaale oo baaxad leh ku yeeshay Afrika 20-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Midawga Yurub waxay sameeyeen balan qaadyo tiro badan iyagaao wajahaya cambaaryan u jeediyeen qaar ka mid ah madaxda Afrika oo ku canaananaya siyaasadahooda ku wajahan Afrika.

Yurub waxya balan qaaday aduun lacageed oo kor u dhaafaya $300 billion, kaas oo ah maal gelinta ay Afrika ku samaynayaan dhawaan.

Waa maal gelin la tartamayasa barnaamijka Shiinaha ee Suunka iyo Wadada kaas oo ah mashruuc balaladhan oo Shiinuhu uu ka hir galiyay wadamo badan oo lacagta uu ku maal galiyay aanay marna bixin doonin Reer Galbeedku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga