Abaaraha ka jira Geeska Afrika ayaa kasii daraya maalinba ta ka danbaysa iyadoo hawlaha gargaarku aanay ahayn sidii la rabay.

Qaramada Midoobay ayaa war cusub kasoo saartay xaaladaha adag ee taagan iyadoo qayl-dhaan u dirtay deeq bixiyayaasha iyo maamulada kala duwan ee gudaha si ay xaaladda u darsaan.

Wadamada Somaliland, Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayay imika ka jiraa abaaro ba’an oo saameeyey nolosha dadka, badina waa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dhulka jasiirad la mooda Soomaalida ee Geeska Afrika.

Kala badh shacabka Soomaaliya ayay Qarmada Midoobay sheegtay maanta in ay u baahan yihiin gargaar. Xogta Qaramada Midoobay waxa ku jirta deegaanada Somaliland.

Saamayn xaaladda abaaraha ayaa kasoo gudubtay dhulka baadiyaha iyadoo magaalooyinka waawayn ay dadku cunto-yaraan ku wajahayaan iyo maciishada oo qaali ah isla markaana aanay goyn karin.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ay magaalooyinka soo gaadhay saamaynta abaaruhu waxaana jira qaylo dhaan iyo cabasho hor leh oo kasoo yeedhaya shacabka, waxayna badi dalbanayaan faro galin ay suuqyada ku samayso dawladdu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga