Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay wefti ka socda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka tirsan Puntland oo dhawaan yimid magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, kaas oo u qornaa sidan; “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cambaaraynaysaa socdaal ay dhawaan xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo maamul goboleedka Puntland ka tirsan ay ku yimaadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ka mid ah gobolada Jamhuuiryadda Somaliland. Booqashadani waa daandaansi cad oo meel ka dhac ku ah midnimada dhuleed ee Somaliland, iyada oo socdaalkani xad-gudub ku yahay qaranimada Somaliland, isla markaana wiiqaya nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay marar badan caddaysay in colaadda Laascaanood ay dad aan u dhalan deegaanka Laascaanod oo  shisheeye ahi  ay huriyaan si ay khalkhal u galiyaan xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo doonaya in ay sameeyaan soohdimo qabiilnimo ku dhisan si ay Meesha uga saaraan xuduudaha la yaqaano ee Jamhuuriyadda Somaliland leedahay oo ay Qaaradda Afrika ku heshiisay in la dhawro.

Daandaansiga ka dhanka ah Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay halis gelinaysaa xasiloonida mandaqadda Geeska Afrika oo muhim u ah xasiloonida caalamka.

Xukuumadda Somaliland waxa ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso madaxbanaanideeda, qaranimadeeda,  iyo nabad-gelyada mandaqada ay ku taallo.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si weyn uga walaacsan tahay khataraha ka iman kara kooxaha argagagixisad ee Al-shabaab iyo xulafadeeda oo isku balaadhinaya magaalada Laascaanood iyaga oo qorsheynaya in ay saldhig cusub ka samaystaan gobolka Sool taasi oo khatar weyn ku ah Geeska Africa fududaynaysana in ururada argagixisada ah ay sii xoojiyaan falalka xagjirnimada iyo amni darada ah ee ay gobolka ka wadaan.

Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijinaysaa inay ka go’an tahay ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida Jamhuuriyadda Somaliland cid kasta oo khatar ku ah Somaliland iyo Geeska Afrika,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga