Qoraal kasoo baxay dawladaha iyo ururrada Somaliland daneeya ee taageera amaba lagu garan ogyahay magaca ”Deeq-bixiyeyaasha”, ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen dibu-dhaca doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa dawladaha hoose ee Somaliland.

Qoraalkan ayaa lagu xusay  ahmiyadda uu lahaa heshiiskii dhexmaray xisbiyada siyaasadda bisha July ee sannadkan 2019, kaasoo ay xisbiyadu isla garteen in doorashooyinka dabada dheeraaday lagu qabto sida ugu suurtagalsan siyaasad ahaan iyo farsamo ahaanba.

Deeq-bixiyeyaasha, ayaa xusay walaaca ay ka qabaan muddo kordhintii ay golaha guurtidu u sameeyeen golahooda iyo tii ay u sameeyeen golaha wakiillada Somaliland, kuwaasoo kuraasta sii fadhiyi doona sanadaha 2022 iyo 2023-ka, iyagoo Deeq-bixiyeyaashuna sheegay inay taasi tahay mid aan aad u dheer marka laga qiyaas qaato heerka Dimuquraaddi lagu sheegi karo, iyagoo sidoo kale xusay inay goleyaasha deegaanku shaqaynayaan intii Dimuquraadiyaddu u ogolayd in kabaxsan.

Warkan ay sida wadajirka ah u soo saareen daneeyayaasha Somaliland, ayaa loogu yeedhay xukuumadda iyo siyaasiyiintuba qawl iyo ficilba ku muujiyaan dhaqanka soo jireenka ah ee is fahan iyo isu-tanaasul iyadoo aakhirkiina lagu soo gabagabeeyay qoraalka in haayado adag oo si  dimuquraaddi ah lagu doortay ay gaadhsiin karaa horumarka ay dadka reer Somaliland mutaysteen.

Qoraalkan, waxaa si wada jira ah usoo saaray, qaramada midoobay, midowga Yurub, IGAD, Maraykanka, Jarmalka, Ingriiska, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerland.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga