Warqad soo gaadhay xafiiska warqabadka ee Saab TV, taas oo uu ku saxeexan  yahay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxaa lagu amray dhammaan mulkiileyaasha Hotellada caasimadda Hargeysa inaan lagu qaban karin Hotellada shirar iyo xaflad aan maamulka gobolka ogolaansho looga haysan.

Sida lagu xusay warqadda, xafladaha laga reebay ayaa waxaa kamid ah, kuwa meherrada iyo aroosyada iyadoo baa layidhi la ilaalinayo wakhtiga,iyadoo loogu gooddiyay ciddii u hoggaansami waydana in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xaaladda siyaasadda dalku kacsan tahay, iyadoo masuuliyiin katirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo shalay xabsiga laga sii daayay xaflado loogu qabtay qaar kamid ah Hotellada magaalada Hargeysa.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay adduunka iyo geeska Afrika gaar ahaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga