Madaxweynaha waddanka Maraykanka ayaa lagu casuumay kasoo qayb galka dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah ee xil-ka-xayuubinta.

Gudoomiyaha gudida cadaalada aqalka koongareeska oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa madaxweynaha u sheegay in uu kasoo qayb galo dhagaysiga xil ka qaadista, ama joojiyo dacaayadaha ka dhanka ah kiiskan.

Trump ayaa sidoo kale awood u leh in uu xaalka ka waraysto dadkii goobjooga ahaa ama masuuliyiinta lasoo shaqaysay ee kiiskan wax laga waydiinayo.

Horaanta isha dnabe ayaa la qabanayaa dhagaysiga dacwadda xil-ka-xayuubinta oo salka ku haysa wada-sheekaysi dhanka moobilka ah oo dhex maray Trump iyo dhigiisa Ukraine, Selnsky.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga