Saraakiisha Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa waxay ku dhawaaqeen inay caddeeyeen dariiqa loo marayo buuxinta iyo hawlgalka biyo-xidheenka lagu muransan yahay ee ay dawladda Itoobiya ka dhistay wabiga Niil.

Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen kadib afar maalmood oo wadahadal ah kuwaas oo ka dhacay Washington, DC, ayay wasiirrada arrimaha dibedda iyo mas’uuliyiinta kheyraadka biyaha ee saddexda dal ee Waqooyi-bari Afrika waxay sheegeen Jimcihii inay ku heshiiyeen jadwal biyo-xidheen looguna magac daray ‘’Grand Ethiopian Renaissance Dam’’ (GERD) ).

Qoraalka ayaa lagu yidhii, “Wasiiradu waxay ku amreen kooxahooda farsamada iyo kuwa sharciyeed inay diyaariyaan heshiiska kama dambeysta ah ee saxeexa saddexda dal dhammaadka bisha February sannadka 2020.”

Saddexda dal “waxay dib u xaqiijiyeen ahmiyadda iskaashiga wax is beddelka ah ee horumarinta Blue Nile-ka si kor loogu qaado nolosha dadka Masar, Itoobiya iyo Suudaan.”

Itoobiya waxay leedahay biyo-xidheenka – oo noqon doona kan ugu weyn Afrika kaas oo ku yaal meel u dhow soohdinta uu la leedayahay Soodaan kaas oo muhiim u ah dhaqaalaheeda soo koraya. Itoobiya Waxay biloowday mashruucan balaadhan sannadkii 2010 taas oo qayb ka ah qorshe lagu balaarinayo dhoofinta awoodda tamarta korontada.

Masar waxay ka cabsi qabtaa mashruuca, oo hadda boqolkiiba 70 dhammaystiran, inuu carqaladeyn doono wabiga daboola 90% baahiyadiisa waraabka iyo biyaha la cabbo.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa hogaaminaysay wada hadallada kadib markii madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi uu ka dalbaday faragelin dhiggiisa dalka Maraykanka Donald Trump kaas oo ay xidhiidh dhow leeyihiin.

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxwayne Trump uu maalintii  Jimcihii uu khadka taleefanka kula hadlay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga