Tirada dhimashada Coronavirus ee dalka  Shiinaha ayaa kor u dhaaftay 250 qof, dowladda dalka Shiinaha, ayaa sheegtay maalintii Sabtidii, iyadoo waddamada shisheeye ay adkeeyeen xayiraadaha dhanka safarka ee dalka Shiinaha si looga jawaabo Fayraska sida ugu dhakhsaha badan..

Cudurka Coronavirus, ayaa Ugu yaraan 259 qof ayaa u  dhintay halka 11,791 qofna uu soo ritay dalka Shiinaha

Dhimashada ugu badan iyo dadka uu soo ritay, ayaa ugu badan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei.

17,888 qof oo kale ayaa looga shakisan yahay inay qabaan cudurka, halka 243 laga saaray cisbitaalka sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo laga soo saaray telefishanka caalamiga ah ee laga leeyahay dalka Shiinaha ee CGTN.

Jimcihii, ayaa la sheegay in ay jiraan in kabadan 102,000 oo qof oo kormeer caafimaad lagu sameeyay.

Kiisas cusub ayaa laga helay dibedda, iyada oo in kabadan 20 dal uu saameeyay Fayraskani, dalalkaas oo ay ku jiraan Spain iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Mas’uulka ugu sareeya Xisbiga Shuuciga ee Wuhan, oo ah xudunta u ah cudurka dillaacay, taasoo oo hoy u ah 11 milyan oo qof  ayaa maalintii Jimcihii ku tilmaamay “wax laga xumaado” isagoo ku sababeeyay inay masuuliyiinta gudaha magaaladu aanay u dhaqmin si dhakhso badan.

Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay, Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga