Wilbur Ross oo ah xoghayaha ganacsiga ee dalka Maraykanka ayaa Telefishanka Fox News u sheegay in caabuqa halista badan Corona ee ka dillaacay dalkaasi Shiinaha Maraykanka dani ugu jirto.
Xoghayaha ganacsiga ee Maraykanka ayaa sheegay inay taasi soo dedejin doonto shaqooyin badan oo dib loogu soo celiyo dalka Maraykanka.
Hadalka kasoo yeedhay xoghayahan, ayaa waxaa si wayn uga cadhooday dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo kuwa dhaleeceeya xukunka madaxwayne Donald Trump.
Haseyeeshee hadalka sarkaalkaas ayaa waxaa markii dambe ka hadlay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka oo u muuqatay in ay saluugsan tahay qabaka uu u hadlay.
Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in tallaabada koowaad ay tahay sidii loo xakameyn lahaa cudurka, looguna gargaari laha dadka ay dhibaatada kasoo gaadhay.

Cudurkan Coronavirus, ayaa waxaa illaa hadda gudaha dalka Shiinaha u geeryooday 213 qof, halka kudhawaad 10000 oo qofna uu soo ritay, dalal badan oo adduunka kuyaal, ayaa waxaa shaaciyay kiisas badan oo la xidhiidha caabuqa Corona, halka haayadda caafimaadka adduunka ee WHO ay shalay shaacisay xaalad caafimaad oo degdeg ah taasoo ah mid caalami.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga