Hadii aad bunka ku cabto madaw, waxa suurtagal ah in aad tahay qof caafimaadkiisa jecel, qof walxaha rassiinka ah jecel, qof sidii loogu talo galay u cabaya ama qof xanuun maskaxeed hayo.

Arintan ayaa lagu sheegay daraasad cusub oo dhawaan lagu daabacay jariiradda Appetite, waxaana la waraystay dad ka badan 1000 qof oo waayeel ah. Dadkan ayaa la waydiiyay waxyaabaha ay jecelyihiin, iyadoo markii hore laga dawaynayay xanuuno maskaxeed oo aan cuslayn.

Daraasadda waxay samaysay jaamacadda University of Innsbruck ee waddanka Austria, waxayna ogaatay in uu xidhiidh ka dhaxeeyo xanuunka maskaxeed iyo in uu qofku jeclaado bunka madaw.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga