Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in uu dalku galayo xaalad degdeg ah, kadib ayaxa ku habsaday qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Wasaaradda beeraha Soomaaliya ayaa sheegtay in ayaxu uu baabi’iyay dalag tiro badan isla markaana uu kor u qaaday xaaladda cunto-yarida ee ka jirtay waddanka oo markii horeba la daalaadhacayay saamaynta xun ee kasoo gaadhay abaarahii is-daba-jooga ahaa ee ku dhuftay badi gobolada Soomaaliya.

Ayaxa ayaa ahaa kii ugu xumaa mudoo sanado ah ee ku habsada Soomaaliya iyo Geeska Afrika, waxaana uu sidoo kale gaadhay wadamada Itoobiya iyo Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga