Waxa meel xassaasi ah maraysa doorashada cidda ka adkaan karta madaxweyne Donald Trump oo ay soo xulayaan xisbiga Dimuqraadigu.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo laga rabo in ay soo xulaan murashax si adag u jabiya ninka u sharaxan xisbiga Jamhuuriga oo ah Donald John Trump, madaxweynaha hadda ee Maraykanka.

Murashaxiinta Michael Bennet oo ah 54-jir, Joe Biden oo ah 76, Michael Bloomberg oo ah 77, Pete Buttigieg oo ah 37, Tulsi Gabbard oo ah 38, Amy Klobuchar oo ah 58, Deval Patrick oo ah 63, Bernie Sanders oo ah 77, Tom Steyer oo ah 62, Elizabeth Warren oo ah 69, iyo Andrew Yang oo jira 44-sanno ayaa u taagan jagada murashaxa Dimuqraadiga ee doorashada soo socota.

Doodo badan ka dib, waxa la filayaa in xisbigu uu kal saaro murashaxiintan, isla markaana ay doortaan hal murashax oo la tartama Trump.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga