Dhimasahda ayaa la xaqiijiyay saddex qof kadib markab nooca xamuulka ama kaargooga qaada ah oo ku degay xeebaha dalka Turkiga ee kulaalaya Badda Madaw, sida ay xaqiijiyeen maamulada Turkigu.

Badhasaabka gobolka Bartin ee Turkiga ayaa sheegay 13 qof oo saarnaa markabka ahaana shaqaale ay saddex ka mid ahi dhinteen, halka la bedbaadiyay 6 qof. Waxa lagu hawlanyahay sidii loo samatabixin lahaa inta hadhay oo wali aan la bedbaadin.

Cimilada oo aad u xumayd ayaa sabab u noqotay in uu markabkani ku qaraqmo biyaha Badda Madaw.

Wakaalada wararka ee Ruushka ayaa ku warantay in kaliya laba qof ay ahaayeen muwaadiniin Ruush ah, halka markabkana uu leeyahay kambani laga leeyahay dalka Yukrayn.

Badda Madaw ayaa sanadihii danbe ay kusoo bateen maraakiibta ku degta sababo la xidhiidha cimilada oo xumaata.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga