Dibad-baxyada ayaa galay maalintii afraad gudaha dalka ku yaala waqooyiga qaaradda Afrika ee Tunisia.

Kooxo dhalinyaro u badan ayaa mudaharaado ka dhigaya magaalada caasimadda ah, iyagoo banbooyin shidaal iyo dhagxan kala hor tagaya booliska caasimadda.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo tuunbooyinka biyaha tuura ku kala diraya dadka mudaharaadaya.

Boqolaal qof ayay ciidamada ammaanku xabsiyada u taxaabeen. In ka badan 600 oo qof ayay boolisku sheegeen in ay qabteen afartii habeen ee mudaharaadadu ay socdeen.

Tunisia waxa ka jira xaalado dhaqaale oo qalafsan. Waa sababta kicisay dhalinyada dalkan oo shaqo la’aan baahsani ay ku dhacday sanadihii lasoo dhaafay.

Dawladda Tunisia waxay ku baaqaysaa in shacabku ay joojiyaan dibad-baxyada. Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dawladda ugu baaqay in ay sii dayso dadka xidhan, isla makaana aanay cabudhin kuwa muujinaya darenkooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga