Dawladda Maraykanka ayaa dhammaan ciidamadeedii kala baxday gudaha Soomaaliya, sida ay xaqiijisay waaxda Afrika ee ciidamada Maraykanku.

Illaa 700 oo askari ayaa ka baxay Soomaaliya kadib amar hore ugasoo baxay madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Maraykanka Donald Trump oo amray in ciidamadiisu ay ka baxaan Soomaaliya, Afkaanistaan iyo wadamo kale.

Waa xili ay Soomaaliya baahi xoogan u qabto ciidamada Maraykanka oo tababaro iyo caawimaado kale siin jiray ciidamada xooga Soomaaliya. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in ay arintani u xuntahay dedaalada xasilinta xili Soomaaliya ay isu diyaarinayso doorashooyin bilaha soo socda.

AlShabaab ayaa kordhisay weerarada ay la beegsanayso dhinacyada ay dagaalka kula jirto, taas oo aan taageerahayn in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Soomaaliya.

Ciidamada Maraykanka ayaa taageero ay tababaro ka mid ahaayeen siin jiray ciidamada Soomaaliya. Ciidamada Danab ayuu tababaray Maraykanku isagoo gunno siiya illaa hadda.

Askar kooban oo farsamo ahaan caawin doona ciidamada Soomaaliya ayaa imika ku hadhay gudaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga