Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa maanta qalabka kala duwan ee dabka lagula dagaalamo guddoonsiiyey Degmada Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa.

Waxa ugu horayn halkaasi hadalo ka jeediyey Ku-simaha Guddoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa Maxamed Bidhaan, Xoghayaha Degmada Maxamuud Haybe iyo Tayasiir Cali Xasan oo ka mid ah hawlwadeennada xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka ee dawaldda hoose, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyey faa’iidooyinka qalabkan dab-damiska oo ay ku tilmaameen inuu muhiim u yahay dedaalada lagula dagaalamayo, isla markaana lagu xakamanayo khasaaraha ka dhasha dabka.

Eng. Cabdi Jaamac Mixile oo ah khabiir aqoon u leh dabka iyo siyaabaha loola dagaalamo iyo Madaxda Xafiiska Maaraynta Khataraha ee dawladda Hoose ee Hargeysa Cali Maxamed Nuur Dheereeye oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey ayaa sharaxay faa’iidada qalabkan dabka lagula dagaalamo, waxayna sheegeen in qalabkani wax wayn u tari doono degmada Maxamuud Haybe, kaas oo ka badbaadin kara khataraha kaga iman kara dabka.

Geesta kale, shaqaalaha kala duwan ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ayaa iyagana loo qabtay tababar ku saabsan sida loo isticmaalo haamaha dabka bakhtiiya iyo siyaabaha kala duwan ee loo adeegsan karo si looga hortago khataraha uu dabku gaysto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga