Dabka kaymaha waddanka Australia ayaa faraha kasii baxaya, waxaana markan laga arkayaa qaybo ka mid ah dalka ay jaarka yihiin balse baddu u dhaxayso ee New Zealand.

Qiiq xoog badan oo midabka huruuda u eg ayaa laga arkayaa hawada gobolka South Island ee dalka New Zealand.

Heer kulka oo sii kululaanaya ayaa uga daray dabka, waxaanu kusii fidayaa deegaano badan oo kale.

Inta la xaqiijiyay 18 qof ayaa ku dhintay dabka waxaanu gaadhay gobolo kale imika. Dawladda ayaa wada dedaalkii ugu xooganaa si ay u demiso dabka, balse uma muuqato in ay xakamyn karto.

Dad badan ayaa la la’yahay iyadoo laga cabsi qabo in ay ku dhinteen dabka. Waxaana la filayaa in xaaladdu kasii adkaato sidan maalmaha soo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga