Maxamed Xaaji Axmed oo lagu naanayso Ilkacase ayay maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ku xukuntay dil toogasho ah. Ninkan ayaa macalin wax ka dhiga dugsiyada magaalada Muqdisho iyo maxaddada lagu barto luuqadda Ingiriiska.

Ilkacase ayaa ka mid ahaa todoba nin oo lagu helay in ay ka tirsanaayeen kooxda alShabab, iyadoo siaga la sheegay in uu si kahas ah ugu qaabilsanaa hawl-galaadda gobolka Banaadir. Maxkamadda ayaa xustay in lagu helay dilal uu mas’uul ka ahaa ninkan macalinka ahi.

Ninkan waxa dhalay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, waxaana dacwadaha lagu helay ka mid ah in uu laayay saraakiil ka tirsan ciidanka xooga Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga